This invitation was sent to hiiraanblog@hiiraanpost.net on behalf of Sharif Halane <shafka45@hotmail.com> from 87.95.182.209
| |||||||||||||
www.hiiraanpost.net
Tuesday, May 17, 2011
Hi
Saturday, March 12, 2011
Wednesday, February 9, 2011
Fwd: Hooyo Soomaaliyeed oo dhibaateysan,wadatana saddex carruur ah oo aad u xanuunsanaya
| Waxaa ii suurta gashay inaan wareysato la yeesho hooyo Soomaaliyeed oo ku sugan Kampala, wadatana saddex carruur ah oo aad u xanuunsanaya, wareysigiina wuxuu u dhacay sida tan:-
S: Hooyo marka hore magacaa? J: Magaceyga waxaa la dhahaa Saynab Ibraahim Axmed. S: Faahfaahin dheeraad ah managa siin kartaa xaaladda caafimaad saddexda carruur ah oo aad dhashay? J: Haa, carrurteyda saddexda ah way xanuunsanayaan, waxayna ka xanuunsan yihiin korka qaasatan wejiga, waxayn ku sugan yihiin xaalada aad u xun, waxayan kala yihiin hal wiil kaasoo la dhaho Cabdimaalik Jacfar Yuusuf oo jira 7-sano iyo laba gabdhood kuwaasoo kala ah warda Jacfar Yuusuf oo jirta 11-sano iyo Sukhra Jacafr Yuusuf oo iyana jirta 4-sano. S: Carruur kale ma dhashay oo aan kuwaan ahayn? J: Haa, waxaan dhalay saddex kale oo ka yar yar saddexdan xanuunsanaya. S: Hadda makula soo socdaan carruurta kale? J: Maya waxay jiraan Soomaaliya S: Yaad uga soo tagtay carruurta kale? J: Gabar walaashay ah ayaan ugu soo tagay si aan caafimaad ugu helo carruurta iga jiran. S; Aaway carrurta aabahood? J: Carrurta aabahood waa kala tagnay jirada ilmaha aawadood S: Muxuu yahay cudurka haya carruurta? J: Dhiiga ayey ka jiran yihiin sida ay ii sheegeen dhaqaatiirta, islamarkaana waxba loogama qaban karo halkan dibadda mooyee, mida kale har iyo habeen ma seexdaan, waxaana waqti kasta wejigooda ka imaanaya dheecaano sida malaxda oo kale, islamarkaana waxay u dhawyihiin in ay indhabeelaan, caarrurta kale ee asaagooda ahna lama ciyaari karaan maxaayeelay waa la takoorayaa S: Goormaa timaaddeen Kampala? J: Dabayaaqadii sanadkii hore ee 2010-ka. S: Xagee ka deggan tahay Kampala? J: Waxaan ka deganahay xaafada Kisenyi. S: Sida aad ii sheegtay waxaad tihiin dad dhaqaalaha ahaan aad u liita oo aanan waxba haysan yaa idinka soo bixiyey qarashka Soomaaliya ilaa Ugaandha. J: Waxaa naga soo bixiyey dad Soomaaliyeed oo walaalahayn ah kadib markii dhibaatada haysata carrurtayda laga baahiyey telefishinka Horn-Cable ee fadhigiisu yahay magaalada Hargeysa. S: Carruurta ma ku dhasheen jiradan mise markay dhasheen kadib ayey xanuunsadeen? J: Xanuunkan wuxuu ku dhacay markay dhasheen dabadeed. S: Hadda yaa kula haya carrurta oo ku saacida? J: Maya aniga kaliye ayaa haya, dhib badan waa ku qabaa oo majiraan dadka kale oo ila haya carruurta har iyo habeen anaa hayaa, waana ii jeedaa diifta iga muuqata S: Marka kampala aad timaadeen wax caawimaad ah mahesheen? J: Haa, waxaan ka helnay xoogaa caawimaad ah Soomaalida ku nool magaalada Kampala, taasoo iminka aan isag bixiyo kirad guriga iyo nolosha, hayeeshee caawimaadaas ma ah mid dabooli karto guud ahaan baahideena nololeed ileen waa tii horay loo yiri baahi badan iyo bugta badan waa liisku nacaa. S: Carruurta isbitaal ma gaysay? J: Haa, Isbitaalka weyn oo ay dowladda leedahay, waxayna dhaqaatiirta ii cadeeyeen inaan xanuunka ilmaha qaaradda Afrika looga qaban karin. S: Maxaa ka codsaneysaa dadka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwooda Allaha wax siiyey? J: Waxaan ka codsanyaan ummadda Islaamka gaar ahaan dadka Soomaaliyeed kuwooda Eebe wax siiyey inay Allaha dardiis i kaalmeyaan maadaama aan haysto carruur xaaladooda caafimaad aad u liidato sida ka muuqataba sawirada. S: Ma leedahay teleefan lagaala soo xiriiro? J: Haa, teleefankeyga waa:- +256791570781.
Haddaba si aan kaalinteyda Mislinimo iyo midda Soomaaliyeed uga qeybqaato, dhibkana aan ula wadaago hoyo Saynab ayaan waxaan go'aansaday idhibaatadeeda u soo bandhigo shacbi weynaha Soomaaliyeed meelkasta oo ay dunida ka joogaan. W/Wareystay:- Axmedsaadaq Yuusuf Maxamed Kampala-Uganda |
HIiraan Post News
-
►
2010
(196)
-
►
November
(7)
- sharif abdalla shared some photos with you
- Ra'iisul Wasaare Farmaajo oo booqasho ku tegay qey...
- DRS-XAAWO CABDI MUWAADIIN XALAAL AH.
- Ururka alshabaab ayaa maanta ka hadlay dhaq-dhaqaa...
- Tageerayaasha Hiiraan State iyo Xubnaha G55 oo kul...
- R/wasaare Farmaajo oo maanta loo dhaariyey xilka R...
- Important Information about Google Buzz Class Acti...
-
►
August
(14)
- Xafladii caleemo saarka dowlada Hiiraan oo ka dhac...
- IRIN Africa | SOMALIA: Relative calm boosts school...
- SHIR SAXAAFADEEDKII 13.8.2010 EE HIIRAAN STATE OF...
- Dowlad G Hiiraan ayaa keentay buuq iyo dowcado bad...
- Marxaladihii ay soo mareen xubnaha ururka HDDA (G5...
- War Degdeg: Dolwad gobaleedka Hiiraan oo lagu dhaw...
- Ururka HDDA oo ka hadlay xaragii xubnaha shirkii r...
- Obama oo aan cadeyn halka USA ka taagan tahay wax ...
- Beelihii ka maqnaa shirkii reer Hiiraan oo kasoo q...
- Chinese poor locked up at night - Asia-Pacific - A...
- Shirkii Hiiraan State of Somalia oo meel xun maray...
- Soomaali lagu xirxiray Ameerika( Tuhun argagixiso)...
- Shirweynihii lagu dhisi lahaa Maamulka goboleedka ...
- Heyada UN ayaa Saudi Arabia u sheegay in ay joojiy...
-
►
July
(18)
- Hamiga maamul G Hiiraan oo geliyay koonfurta Sooma...
- 8 ruux oo lagu dilay Mogadishu
- JAALIYADAHA UK OO U DOORTAY MAXAMED CISMAACIIL ATO...
- Midowga Afrika ayaa sheegay in dowlada Guinea ay u...
- Howlada Shariif oo gacanta la soo gashay gogashii ...
- WAREYSIGII GUD-URURKA HDDA MAXAMUD ABDI GAAB - DHI...
- War degdeg: Shiikh Abuukar Jimcaale oo Lagu Afduub...
- Shirweynaha Midnimada Hiiraan oo Kenya ka furmay, ...
- Xaaladaha deganaashaha Hiiraan oo xun
- Qaraxyo xalay lagu weeraray goob lagu daawanayay c...
- Ciidamo Dawlada Kmg Ah & Kuwa Itoobiya Oo Soo Gaar...
- Kulankii Jaaliyada Saransoor ee Finland
- Afhayeenka Shirka Nairobi, beelehii reer Hiiraan o...
- Jowhar.com: Banaan baxii Abuu Marsuur, dowlada oo ...
- Nelson Mandela was introduced to members of the Bl...
- Dagaaladii Mogadishu oo weli ka socda iyo dadweyne...
- Soomaali ku banaanbaxday New Delhi, India
- Xuska Munaasabada 1 Luulyo oo si weyn looga xusey ...
-
►
June
(28)
- Experts Gather in New York Wednesday to Discuss Ji...
- MOHAMUD ABDI GAB, THE CHAIRMAN OF HDDA SAYS, “WE S...
- Gudoomiyah ururka HDDA Maxamuud Abdi ayaa sheegay ...
- Kulanka Jaaliyada reer Hiiraan ee Naironi 26.6.201...
- FARIIN KU SOCOTO DHAMAAN BULSHAWEYN REER HIIRAAN O...
- Sh Macow oo qalqal geliyay baroordiiqdii Kenya ka ...
- Second Swede arrested for Somalia attack plot
-
►
November
(7)





